Somali Health And Nutrition Center

Somali Health And Nutrition Center

Share

Health and Nutrition knowledge

16/01/2026

Cinwaan: Daawo Sidee Loo Xisaabiyaa? (Si Fudud)
Saddex su’aalood oo aasaasi ah:
Imisa ayuu dhakhtarku rabaa? (qiyaasta loo baahan yahay)
Imisa ku qoran daawada? (xoogga ama concentration-ka)
Daawadu sidee u jirtaa? (kiniin, sharoobo, cirbad, iwm)
1. KINIIN (Tablet)
Dhakhtarku rabo: 500 mg
Hal kiniin waxa ku jira: 250 mg
Xisaab: 500 mg ÷ 250 mg = 2 kiniin
👉 Jawaab: Sii 2 kiniin
2. SYRUP (Dareere)
Dhakhtarku rabo: 250 mg
Daawadu waa: 125 mg / 5 ml
Xisaab: Haddii 125 mg = 5 ml
250 mg = 10 ml
👉 Jawaab: Sii 10 ml
3. CIRBAD (Injection)
Dhakhtarku rabo: 1 g
Vial-ku waa: 1 g / 10 ml
Xisaab: 1 g = 10 ml
👉 Jawaab: Soo qaado 10 ml
4. ILMO (Miisaan ku xiran)
Miisaanka ilmaha: 10 kg
Qiyaasta: 15 mg/kg
Xisaab: 15 × 10 = 150 mg
Haddii daawadu tahay syrup: 125 mg / 5 ml
→ 150 mg = 6.25 ml
👉 Jawaab: Sii 6.25 ml
Xeerka Guud (Mid aad muhiim u ah)
Waxa la rabo ÷ Waxa ku qoran = Inta la siinayo
Xusuusin:
1 g = 1000 mg
Had iyo jeer hubi: mg, g, ml
Ha isku darin mg iyo g adoon beddelin

14/01/2026

Jadwalka tallaalka carruurta waxaa lagu soo daray laba tallaal oo muhiim ah: Waa PCV iyo Rota.

PCV (Pneumococcal Conjugate Vaccine) wuxuu ilmaha ka difaacaa cudurro halis ah sida oof-wareen (pneumonia), caabuqa dhiigga (sepsis), qoorgooyaha (meningitis) iyo caabuqa dhegaha ee keena dhaga dilaaca.

Tallaalkan PCV waxaa la siiyaa ilmaha 3 jeer marka uu gaadho 6, 10 iyo 14 toddobaad oo wuxuu la socdaa kuwii h**e, waana tallaal si weyn u yareeya cudurrada halista ah sida oof wareenka, shubanka, gawracatada, kixda, teetanada, joonis cad ma iyo dabaysha. U fiirso waalid 7 xanuun baa hal mar lagaa wada tallaalayaa, waa nimco ee Alxamdulilaah dheh

Tallaalka Rota isaga afkaa laga qaataa oo wuxuu ilmaha ka ilaaliyaa waa shubanka soo noqnoqda.

Labadan tallaal ( midna yareeya oof-wareenka midna shubanku) waxay door weyn ka ciyaaraan dhimista xanuunnada ku dhaca carruurta iyo dhimashada carruurta yar-yar. Waa tallaalo la soo tijaabiyay oo aan cilad lahayn, si caalami ah na loo isticmaalo aduunkoo dhan,imikana inagu ayu ku darnay jadwalkeena tallaal.

Waalidiinta waxaan aad ugu dhiirrigelinayaa inay hubiyaan kaadhka tallaalka ilmahooda, hubiyaan inaanay seegin tallaaladaa muhiimkaa, keenaana carruurtooda xarumaha caafimaadka ee lagu bixiyo tallaalada, waqtiga ku habboon siiyaan tallaalka si ilmuhu u helo ka hor tag wanaagsan

Want your business to be the top-listed Beauty Salon in Jowhar?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Website

Address


Jowhar