Ururka Horumarinta Dhalinyarada Geeladle
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Ururka Horumarinta Dhalinyarada Geeladle, Health/Beauty, Baydhabo.
25/09/2026
Hambalyo mudane Mohamed Deck Baraar
HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Mudane Mohamed Deck Baraar, oo loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Qorsheynta Dowladda Hoose ee Degmada Baydhabo.
Waxaan kuu rajaynayaa guul, horumar iyo in aad si hufan uga soo baxdo waajibaadka laguu igmaday. Waxaan kalsooni ku qabaa in aqoontaada iyo khibraddaadu ay wax weyn ka tari doonaan qorsheynta, horumarinta iyo adeegyada bulshada ee Degmada Baydhabo.
Hambalyo Agaasime, xilkaaga cusubna Alle ha kuu fududeeyo.
Faysal Mohamed Duuble
Gudoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda
Dowladda Hoose ee Degmada Baydhabo
24/09/2026
HAMBALYO IYO BOGAADIN
Ururka Horumarinta Dhalinyarada Geeladle waxay hambalyo iyo bogaadin meel sare ah u dirayaan Mudane Mohamed Baraar Abdi, oo loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Qorsheynta Dowladda Hoose ee Degmada Baydhabo. Waxaan Eebbe uga baryeynaa inuu u fududeeyo mas'uuliyadda culus ee loo xil saaray.
Hambalyo
24/09/2026
Ururka Horumarinta Dhalinyarada Geelidle
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u direynaa walaalkeen Mohamed Deck Baraar, oo loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Qorshaynta Dowladda Hoose ee Degmada Baydhabo.
Waa xil culus oo u baahan aqoon, karti, daacadnimo iyo dadaal. Waxaan kuu rajaynaynaa in Alle kuu fududeeyo masโuuliyadda cusub, kuna garab galo gudashada waajibaadkaaga.
Hambalyo walaalkeen Mohamed Barar Cabdi!
Guul iyo horumar ayaan kuu rajaynaynaa. ๐คฒ
03/09/2026
Ururka Horumarinta Dhalinyarada Geeladle waxay tacsi tiiraanyo leh u diraya Eng. Mustaf Maxamed Xasan, oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
waxay murugada iyo geerida Marxuumka la wadaagayaan qoyskiisa, ehelkiisa, qaraabadiisa, asxaabtiisa iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed.
Waxaan Alle uga baryeynaa Marxuumka inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, qabrigiisana u waasiciyo, qoyskiisa iyo ehelkiisana uu ka siiyo samir iyo iimaan.
02/09/2026
MAAMULKA DEGMADA BAYDHABO OO KORMEER SOCOD AH KU MARAY SUUQA WEYN IYO QAR KA MID AH XAAFADAHA MAGAALADA
Maamulka Degmada Baydhabo ayaa maanta kormeer socod ah ku maray Suuqa Weyn ee magaalada Baydhabo iyo qaar ka mid ah xaafadaha magaalada, iyadoo ujeeddadu ahayd la socodka xaaladda guud ee amniga, nadaafadda, habsami-u-socodka ganacsiga iyo adeegyada bulshada.
Kormeerka waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Amniga iyo Siyaasadda Degmada Baydhabo, Mudane Faysal Mohamed Duuble, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka degmada.
Mudane Faysal Mohamed Duuble, ayaa sheegay in kormeerkan uu qeyb ka yahay dadaallada maamulka degmada ee lagu xoojinayo amniga iyo kala dambeynta, isla markaana maamulka uu si joogto ah ula socon doono xaaladda suuqa iyo xaafadaha magaalada.
Waxa uu sidoo kale bulshada iyo ganacsatada ugu baaqay inay la shaqeeyaan maamulka degmada, si loo ilaaliyo nabadgelyada, nadaafadda iyo bilicda magaalada Baydhabo.
Kormeerka ayaa sidoo kale lagu qiimeeyay xaaladaha ay bulshada iyo ganacsatadu la kulmaan, iyadoo maamulka uu sheegay in waxyaabahii ay arkeen iyo talooyinka shacabka laga qaadan doono tallaabooyin ku habboon.
31/08/2026
MAAMULKA DEGMADA BAYDHABO OO TAAGEERAY GOโAANKII KAS9 BAXAY GOLAHA WASIIRRADA KOONFUR GALBEED
๐๐๐น๐ฎ๐ป๐ธ๐ถ๐ถ ๐๐๐ฑ๐ผ๐ผ๐บ๐ถ๐๐ฒ ๐๐ฎ๐๐๐ฎ๐น ๐ ๐ผ๐ต๐ฎ๐บ๐ฒ๐ฑ ๐๐๐๐ฏ๐น๐ฒ & ๐พ๐ฎ๐๐ฏ๐ฎ๐ต๐ฎ ๐ธ๐ฎ๐น๐ฎ ๐ฑ๐๐๐ฎ๐ป ๐ฒ๐ฒ ๐ฏ๐๐น๐๐ต๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐๐ผ๐ฏ๐ผ๐น๐ธ๐ฎ ๐๐ฎ๐ป๐ฎ๐ฑ๐ถ๐ฟ.
29/08/2026
Gud. Ku-xigeenka Amniga & Siyaasadda Degmada Baydhabo mudane Faysal Mohamed Duuble oo Kulan Dhiirrigelin iyo Is-xogwareysi ah la Qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Banadir.
26/08/2026
Ururka Horumarinta Dhalinyarada Geelidle waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Mudane Aadan Salaad, kaas oo loo magacaabay Isku duwaha Degmada Diinsoor ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Waxaan Adow Aadan Salaad u weydiinaynaa Eebbe inuu u fududeeyo mas'uuliyadda cusub ee loo xilsaaray, kuna Guuleeyo u service-yinta bulshada degmada Diinsoor.
Category
Website
Address
Baydhabo