Abshir,dauud

Abshir,dauud

Share

Somali nationalist

16/08/2026

DEG DEG: Caawa waxaad maqli Dontaa warkii ugu farxada badnaa hadad soo qorto salliga Nabiga (SCW)❣️

15/08/2026
15/08/2026

Alxamdulillaah 🤲❤️

Mar walba Ilaahay ayaa mahad leh Dhalinyaroy quruxda noloshu ma aha oo keliya adduun iyo raaxo waxaa ugu qiimo badan cibaadada iyo akhlaaqda wanaagsan iyo Alle ka cabsiga 🤍

Dhalinyaranimadu waa fursad qaali ah ee aynu ku dhisanno xiriirka Ilaahay salaada aan ilaashan Qur’aanka aan akhrino waalidkeena wanaajino bulshadiina wanaagna aan ku hoggaamino

Dhalinyaroy cibaadada aan ku dadaalno inta awoodda iyo fursaddu jirto. Maal iyo mansab waa tagayaa laakiin camalka wanaagsan ayaa inoo haraya 🌙🤲

Ilaahay ha inaga dhigo dhalinyaro cibaado badan, akhlaaq wanaagsan leh, dalkooda iyo dadkoodana anfaca. Aamiin🤲

15/08/2026

🇦🇹 Xiriirka kubadda cagta dalka Austria ayaa Garsoore Cumar Cartan u soo bandbigay inuu Garsoore ka noqdo horyaalkooda oo uu la shaqeeyo.

Jawaabtii uu bixiyey Cumar Cartan lama baahin, laakiin anigu waxaan ku talin lahaa haddiiba uu Yurub ka shaqeynaayo inuu Premier League ama La Liga doorto si ay u sahlanaato inuu loo soo xusho ciyaaraha UEFA Champions League.🇸🇴

15/08/2026

Wasiirka Biyaha iyo Tamarta ee Itoobiya, ayaa sheegay in Itoobiya ay u diyaar garoobeyso sidii ay koronto u siin lahayd dalalka Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan, isla markaana ay u balaadhin lahayd isku xidhka kaabayaasha tamarta ee gobolka.

Wasiirka biyaha iyo Tamarta Itoobiya wuxuu xusey in Itoobiya ay sii wadayso iibinta tamarta, isla markaana ay dooneyso iney dalalka gobolka si weyn uga haqab tirto baahida korontada, taasoo ujeedadu tahay sidii Itoobiya ay tamarteeda dhaqaale ahaan uga faa'iideysan lahayd, una noqon lahayd xarunta ugu muhiimsan ee tamarta gobolka.

11/08/2026

Kawaran Hadii 100ka hor Jawhar lagu tagi jiray Tareen
Qarni ka dib ma h**e ayaynu u soconaa mise gadaal?

09/08/2026

Dhalinyarada oo tahriibayay ayaa lagu hayaa Deeganka Axmarada, magaalada Bahirdar. Saddex waa Deeganka, Afarna waa Somaliland.

Cidii ehelkooda garanaysa halla xidhiidhiso Booliska Deeganka waaxda Baadhista, ee Jigjiga.
Lambarkan ka waca: 0910253925

09/08/2026

Waa Intii Xabad Ibraahim afka inooga sheegay baan qoraal ahaan inoogu soo gudbiyay si qof waliba tuu fahmo u door to ama u qaato

Noocyada Ugaadha Dhulkeenu u qaybsanto

ISHINKA..
Waxaa ka mid ah

1:Cawsha:
Labka: Cawsha waa jixaadh.
Dhediga Cawshu waa masaal.
wadarta markay tahayna waa goosin cawla.Bananka ayey ku nooshahay duudaha way ku yartahay.

1:Gara-nuugta:
Ka lab: liig
Dhedigana:Tengari.
Liiga yar waa werad.
Wadarta markay tahayna waxaa la yidhaahdaa dangarnugaa.
Waa Geed Laac waxay daaqdaa dhulka sudah ah iyo hawdkaba.
Waqti kasta way dhashaa sida riyaha.
Weradka Wuu eryaa markuu waynaado.

3.Deerada.
Ka lab: deer.
Dhedigana: deero.
markay badan tahay waa wadar deero ah.
Waxay ubad tahay banaanka idhimada duudana way gashaa.
Waxay mar la dhashaa idaha,waana xeelad maydhan.

4:Sakaarada.
ka lab: Atoor
Dhedigana: Yac.
Ka yar : Biiq.
Wadar ahaan laba laba ayey isu raacdaa.
Sudaha iyo duuda ayey inta badan galaan,

5:Goodir.
Goodirku waa laba qayboood.
Qaybi Yarista ayey ka mid tahay
qaybina ishinka ayey ka tirsan tahay..
Qaybta yarista.
Ka lab:Daraad
Dhedigana:Caarey.
Buuraha iyo durdurada ayuu galaa waa nugul sida lo'da biyaha k**a fogaado.
Caradana garbiyadana wuu cunaa sida xoolaha.
Nooca ishinka raacsan.
Ka lab: laba-Qole.
Dhedigana: Adeeryo.
Wadarteedana urur goodir ah.
Yar yarka,Neehi,Saadax,yahaab.
Neehi: Waa laba
Saadax: Waa sadex
Yahaab: Waa afar iyo wixii kasii badan..
Noocyada Ishinka.

1:Biciidka.
Ka lab: Saryan.
Dhedigana: Biciid.
Kiisa yar yar: Saware,Afardhagoodle.
Markay Wadar yihiin waxaa la dhahaa Yahaab xamaamalaya.
Hawdkuu Galaa.
Aadna wuu u feejigan yahay.

2: Goroyada.
Ka lab: Haldhaa.
Dhedigana: Goroyo cawl.
Ubadka waxaa ladhahaa halgarac.
Kaliishay dhashaa, xoolahay mar la dhashaa.
Halkay dhasha dhigato waxaa la dhahaa goof, 24 Saacadoodba haldhaaga ama goroya cawsha ayaa beedka ku fadhiya ilaa inta uu ka dilaacayo.
Waxba ma uriso gorayadu laakiin indhahaa Alle u galiyey oo heedh-heedh bay wax ka aragtaa, qaarad ka qaaradna way u guurtaa oo barwaaqada way u hayaantaa.

Xuquuqdii:- Xabad. Ibraahim

Cabdirisaaq Awrfuul

27/07/2026

Ra'iisal Wasaaraha Spain, Pedro Sanchez ayaa ka jawaabay fariin ay u dirtey Layan oo ah gabadh yar oo reer Q/--sa ah iyo farshaxamisteyaal kale oo mid kamid ah gidaarka guryaha dumay si farshaxan leh ugu sawirtey Ra'iisal Wasaaraha Spain.

Ra'iisal Wasaaraha Spain ayaa baahiyay isagoo daawanaya muuqaalka Layan oo mahadcelineysa isaga iyo shacabka Spanish-ka, kuwaaso xili adag garab istaagay shacabka dhibaateysan ee F-lastiin.

Sanchez ayaa muuqaalka kadib waxa uu u mahadnaqay shacabka F-lastiin, wuxuuna sheegay iney si weyn u taabatey sida quruxda badan ee ay u muujiyaan sawirkisa, waxa uuna yidhi

"inkastoo aad ku jirtaan xanuun iyo dhibaato weyn hadana waxaad hesheen wakhti aad noogu muujiyaan jacaylkiina, sidaas darteed, waxaan rabaa inaan u sheego Layan iyo dhammaan caruurta Q/--sa iyo qoysaskooda hal arin, dhammaan bulshada Spanish-ku way idin maqlaan, way idin arkaan, way idin jecel yihiin, marnaba idinma iloobaan. Waxaanna rajaynayaa in dhawaan ay carruurta Q/--sa dib ugu laaban doonnaan dugsiyadoodda iyagoo aan wax cabsi ah qabin, isla markaana ay ku noolaan doonaan mustaqbal nabad ah."

Category

Telephone

Website

Address


Jigjiga