SS Media

SS Media

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from SS Media, Health/Beauty, sheikh madar Road, Hargeisa.

10/09/2026

“2,000-ka Askari ee Aad U Dirayso Qaza, Maxaabiista Laascaanood Ku Xidhan kusoo Furo”Afhayeenka Xisbiga Kaah Cabdirashiid Caydiid

TIISA DARYEELAA TU KALE KU DARA
________________________________

Labada kun (2000) ee askari ee Madaxwaynuhu sheegay inuu u dirayo *QAZA hadii Maraykanka iyo Israiil ka codsadaan sida ay sheegtay *i24 English waxa looga baahi badan yahay inay wax ka qabtaan dalka gudihiisa sida:-
Inay soo furtaan maxaabiista inagaga xidhan Laascaanood.
Inay xasiliyaan dhibaatada ka jirta galbeedka dalka Awdal iyo Salal qaybo ka mid ah.

Afhayeenka Xisbiga Kaah Cabdirashiid Caydiid

06/09/2026

Maayeradii Gabiley iyo Wajaale oo si ay iskaga laaluushaan Ramaax Burco u tagay

Maamulkii Gabiley oo Guulwadayn u tagay Magaaladda Burco.

Saaka waxa Magaaladda Burco u jarmaaday dhamaan Maamulkii Gobolka Gabiley, Maayerkii Gabiley, Maayerkii Wajaale iyo Xoghayihii Fuliinta Dawladda Hoose ee Wajaale.

Iyadda oo ay dayacan tahay shaqooyinkii loo igmaday ayaa maamulkii oo dhamaystirani sii galbiyeen Badhasaabkii h**e ee Gabiley loona badalay Burco, sabab ay usii galbiyaana meesha may oolin oo shidaalka iyo kharashaadka intaa leeg looggu bixiyo nin Madaxweynuhu shaqo u igmaday.

Sababta u wayn ee ay isla wadda daba yaaceen ayaa ah siddii Badhasaab Ramaax oo Gabiley loo soo magacaabay la iskagga laaluushi lahaa kuraastooddana looggu hayn lahaa.

Sharafta iyo Karaamaddu waxay ku jirtaa sidaad dadkiina ugu shaqaysaan ulla dareen noqotaan.

Qalinkii: Aqoonyahan Cabdifataax Jimcaale

06/09/2026

Ugaaskii Guud ee Ciise oo la Sheegay in uu Ergaddii Madaxweyne Ciro u diray ku Xidhay Shardi ah in Xilka Laga Qaado Wasiir Cabdale iyo Ciro oo Kala Dooran doonna Ciise iyo Wasiir Cabdale…?
Wararka laga helayo Magaaladda Diridhaba ayaa sheegayaa in ergadii uu Madaxweyne Ciro u diray Ugaaska Guud ee Beelaha Ciise Xurmadle Ugaas Mustafe Maxamed Ibrahin uu shardi adag ku xidhay ergadii uu Madaxweyne Ciro u diray Ugaaska si nabadda Xeebaha Awdal iyo Salel looga hadlo.
Xurmadle Ugaas Mustafe Maxamed Ibrahin ayaa la wadaagay eryadda hadaladii deel-qaafka ahaa ee uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdale Maxamed Carab u mariyey warbaahinta oo ay ka cadhoodeen Beelaha Ciise oo ay ku tilmaameen gef loo geystay Ugaaskoodda Guud isla markaanna ay ka difaaceen hadaladii xanafta lahaa ee Wasiir Cabdale Warbaahinya u mariyey Ugaaska Guud ee Ciise Ugaas Mustafe Maxamed Ibrahin.
Mudadii Wasiir Cabdale uu xilka Wasaaradda Arrimaha Gudaha wuxuu u muuqdaa in uu ku fashilmay maareynta iyo wada-shaqeynta Beelaha Ciise iyo Gadabuursi — sida Beesha Gadabuursi Hoggaankeedda dhaqanka oo bulowgii Sannadkan 2026-ka soo saaray warsaxaafadeed ay ku sheegeen inay wada-shaqeyntii ay la lahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha ay joojiyeen, isla markaanna aysan la shaqeyn Karin Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdale Sandheere — Madaxweyne Ciro ayaa mar danbe ka maslaxay Salaadiinta Gadabuursi inay la shaqeeyaan Wasiir Cabdale — Maslaxaad iyo codsi uu Madaxweyne Ciro la wadaagay Salaadiinta Gadabuursi ayey ku aqbaleen inay la sii shaqeeyaan madaamma oo uu Madaxweyne Ciro ka codsaday ay tixgelinayaan codsiga madaxweynaha.
Geesta kale, Wasiir Cabdale Sandheere ayaa dhawaan hadalo deel-qaaf ah warbaahinta u mariyey Xurmadle Ugaas Mustafe Maxamed Ibrahin Ugaaska Guud ee Beesha Ciise, taas oo sababtay inay Beesha Ciise ka cadhootay weerarka afka ah ee Wasiirkii Ciro u xil-saaray nabadda iyo xidhiidhka bulshadda in uu ku gefo Ugaaskoodii Xurmadle Ugaas Mustafe Maxamed Ibrahin oo ay sheegeen inay af iyo adin ku taageerayaan Ugaaskoodda kana soo horjeedaan Gefka Wasiir Cabdale ula badheedhay Xurmadle Ugaas Mustafe Maxamed Ibrahin.
Si kastaba ahaatee, dhawaan ayuu Madaxweyne Ciro ergo Guurti ah u diray Magaaladda Diridhaba si ay ula soo hadlaan Ugaaska Guud ee Ciise Ugaas Mustafe Maxamed Ibrahin sidii uu ugala shaqeyn lahaa nabadda Xeebaha Awdal iyo Salel oo colaadda Beelaha Gadabuursi iyo Ciise ay taba-dheeraatay sidii xal waara loogu heli lahaa — wararka ka imanaya ayaa sheegayaa in Ugaas mustafe shardi kaga dhigay ergadii Ciro u diray in marka h**e Ciro xilka ka qaado Wasiirka ku gefay ee Cabdale Sandheere, marka kadibna la wada hadli karo.

02/09/2026
29/08/2026

Madaxweyne Ciro Ma Fulin doonnaa Dalabka Ugaaska Ciise ee uu Ergada Guurtida ah u Diray ee la sheegay in uu Shardi kaga dhigay Wada-hadal in Wasiir Cabdale Xilka laga qaado…?
Warar xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Ergo ka socota Golaha Guuritda Somaliland oo u Hoggaaminayo Suldaan Ismaaciil loo diray Ugaaska Guud ee Beesha Ciise ee fadhigiisu yahay Magaaladda Diridhaba in lala soo hadlo, wararku waxay sheegayaan in ergadda Madaxweyne Ciro u diray Ugaaska Guud ee Beelweynaha Ciise oo isaga la’aantii aysan xidhmi Karin colaadda Xeebaha Goboladda Awdal iyo Salel.
Madaxweyne Ciro oo hadda isku dayaya in uu maare u helo colaadda dami la’ ee Xeebaha Goboladda Awdal iyo Salel ku dhexmaraysa Beelaha Ciise iyo Gadabuursi ku dhawaad sannad ayaa hadda dareemayaa farsamo xumooyin h**e oo ay xukuumadda dadkii uga masuulka ahaa ay galeen isla markaanna waxa uu Madaxweyne Ciro u muuqdaa in uu hadda bedelayo qaabkii h**e ee nabadda looga raadin jiray Beelaha Ciise iyo Gadabuursi. Mr Ciro wuxuu door bidayaa imika in bahda dhaqanka uu xoogga saaro sidii ay nabadda u dhalin lahaayeen.
Galka nabadda ee Xeebaha Awdal iyo Salel oo h**e uu masuul uga ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdale Sandheere ayuu ku fashilmay in uu ka keeno natiijo la taaban karo, iska dhaaf in uu natiijo ka keeno eh’ mar h**e ayey Salaadiinta dhaqanka ee Beelaha Gadabuursi joojiyeen wada-shaqeyntii ka dhaxaysay Wasiir Cabdale iyo Gadabuursi balse Madaxweyne Ciro ayaa ka maslaxay Salaadiinta Gadabuursi inay la sii shaqeeyaan Wasiir Cabdale. Halkii laga filayey Wasiir Cabdale in uu ku waan-toobo wada-shaqeyn la’aantii Salaadiinta Gadabuursi ayuu ku darsaday in uu weerar afka ah ku qaado Ugaaska Guud ee Beelaha Ciise Xurmadle Ugaas Mustafe Maxamed Ibrahin oo uu ku tilaamay Ugaas aan taladiisa waxba laga weydiineyn colaadaha Gadabuursi iyo Ciise.
Weerarka afka ahaa ee Wasiir Cabdale ku qaaday Ugaaska Guud ee Ciise ayaa dhalisay cadhadda shacabka Ciise oo ka gadooday hadalada deel-qaafka ahaa ee Wasiir Cabdale ku weeraray Ugaaskoodda, halkaa waxa madaxweyne Ciro uga muuqatay in aan Wasiir Cabdale lagu halayn Karin nabadda Beelaha Gadabuursi iyo CIise, waanna tan kaliftay in ergo Ciro u diro Ugaaska Guud ee Beelaha Ciise Ugaas Mustafe Maxamed Ibrahin.
Wixii warar ah ee ka soo kordha nala socoda…

29/08/2026

Maxaa Sababay in Xukuumadu ka Cabsatay in CID-da uga Yeedho Maayar H**e Maxamed Muraad oo u Hanjabay, Halka marka uu Hadlo Boqor Madbadaw, Siyaasi Maxamed Cali Daarood looga Yeedho CID-da… ?
Maayarkii h**e ee Degmadda Burco Maxamed Muraad oo Warbaahinta la hadlay ayaa su ba’an ugu hanjabay Xukuumadda Somaliland gaar ahaan Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga oo uu ku tilmaamay Wasiir aan awood lahayn, uguna hanjabay haddii uu xidho in Xukuumadda iyo Shacabkuba u mari doonaan siideyntiisa. Waxa kale oo uu ku eedeeyey Wasiirka Gaashaandhiga in uu ahaa basaas Mucaaradka uga soo dhex basaasa shirarka Madaxtooyadda ka socday gaar ahaan wakhtigii Khilaafkii Jaamacadda Burco Aloosnaa.
Maxamed Muraad oo hadal dheer jeediyey ayaa ku nuuxnuuxsaday eedeynta Wasiirka Gaashaandhiga oo la sheegay in uu ka mid yahay Wasiiradda Madaxweyne Ciro aadka ugu kalsoonyahay —haddana eedeynta kulul ee Maxamed Muraad u Jeediyey Wasiirka Gaashaandhiga oo uu ku balansaday haddii uu xiniiyo leeyahay in uu ugu yimaado Hotel City Plaza ee magaaladda Burco oo weliba uu muuqaalo uu Maxamed Muraad ku cadeynayo in uu fadhiyo iskaga soo duubay.
Xukuumadda Madaxweyne Ciro oo la sheegay inay ka shireen eedeynta Maxamed Muraad u jeediyey Wasiirka Xukuumadda u qaabilsan Gaashaandhiga ayaa la sheegay inay Xukuumaddu ka warwareegtay inay ka falceliso eedeynta Maxamed Muraad iska daa in looga yeedho Xarumaha CID-da oo ay Xukuumaddu ku dhici weyday inay uga yeedho Maayar H**e Maxamed Muraad.
Geesta kale shacabka ayaa is-weydiinayaa Xarumaha CID-da ma dad gaar ah ayaa looga yeedha marka ay hadlaan..? Tusaale ahaa h**e dhawr jeer oo h**e looga yeedhay Siyaasiyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin Maxamed Cali Daarood, Siyaasi Qardaawi, Boqor madbadaw iyo qaar kale markii ay hadleen-ba deg deg loogaga yeedhay Xarunta CID-da.
Haddaba, maxaa sababay inay Xukuumaddu Siyaasiyiinta iyo Madaxdhaqmeedka ay marka ay hadlaanba CID-da uga yeedho Siyaasiga Maxamed Muraad oo dhawr jeer si ba’an u eedeeyey Xukuumaddana ay ka cabsato…?

27/08/2026

Madaxweyne Cirro, ma la illoobay ballanqaadkii 250% ee mushahar kordhinta Ciidamada Qalabka Sida…?
Iyadoo diyaarinta Miisaaniyadda 2027 ay gabagabo marayso, waxa ugu weyn ee laga sugayaa Xukuumaddu waa in ballanqaadkii 250% lagu daro miisaaniyadda lana fuliyo.
Ciidamadu hadal ma sugayaan ee ficil bay sugayaan. Waxay maanta la daalaa dhacayaan sicir-bararka iyo sarif-bararka.
Madaxweyne Cirro, haddii 250%-kii uu ahaa ballan dhab ah, Miisaaniyadda 2027 ha noqoto meesha lagu caddeeyo. Ciidanka qaranku waxay mudan yihiin mushahar u qalma shaqada iyo naf-hurnimada ay qaranka u hayaan.
Xildhibaan Xirsi Cabdillaahi Xirsi

26/08/2026

Xildhibaan Maxamed Abiib oo Cadeeyey in aan Wasiirka Arrimaha Guduhu Ku filayn Nabadeynta Colaadda Galbeedka.
Xildhibaan Maxamed Abiib Yusuf oo laga soo doortay Gobolka Awdal oo warbaahinta la hadlayey ayaa sheegay in Colaadda Beelaha Gadabuursi iyo Ciise laga gaabiyey isla markaanna xalinta Colaadaas aan la siin wakhti ku filan isla markaanna Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdale Sandheere uu waxba ka qaban waayey kuna fileyn in uu nabad ka keeno Colaadaas.
Xildhibaan Maxamed Abiib Yusuf wuxuu ku dheeraaday in loo baahan yahay Culeys badan oo wax lagaga qabanayo Colaadda galbeedka ee u dhaxaysa Beelaha Walaalaha ah ee Gadabuursi iyo Ciise in loo saaro.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa u muuqda in uu ku Fashilmay wax ka qabashadda Colaadda Beelaha walaalaha ah ee Gadabuursi iyo Ciise —inkasta oo Wasiirka Arrimaha Guduhu wakhti badan ku bixiyey in uu nabad ka keeno haddana mar kasta oo uu sheego in uu nabadii soo xidhay ayaa haddana halkii ka bilaamaan Colaaduhu — waxana dib la isku weydiiyaa muxuu soo dhameeyey Wasiirka Arrimaha Guduhu Mr Cabdale Sandheere.

Category

Website

Address

Sheikh Madar Road
Hargeisa
HGA

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when SS Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Subscribe

We will notify you when anything happens in Hargeisa.